Itoobiya oo u sheegtay Somaliya, Jabuuti iyo Ereteriya inay fahmaan danta ugu jirta in Itoobiya ay bad yeelato
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya ayaa sheegay in dalalka deriska la ah waddanka Ethiopia looga baahan yahay inay fahmaan codsiga Itoobiya ee ah in ay helaan marin badeed ay iyagu iska leeyihiin, waxaana uu xusay in aanay kaliya dalkiisa Itoobiya faa'iido ugu jirin in ay bad helaan, laakiin sidoo kale ay faa'iido u tahay dalalka deriska la ah.
Wasiiru-dawlaha wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya, Ambassador Misganu Arega oo la hadlay warbaahinta maxalliga ee dalkiisa, ayaa sheegay, in ay sii wadi doonaan dedaallada diblomaasiyadeed ee ay dalkooda ugu raadinayaan sidii ay ku heli lahaayeen bad ay iyagu iska leeyihiin.
Waddamada deriska ah ee Somaliya, Eritrea iyo Djibouti ayuu Ambassador Misganu Arega u sheegay, in looga baahan yahay in ay taageeraan arrintan, inkastoo aanay xusin sida ay ku taageerayaan dalka ay baddooda hunguraynayaan
