Milateriga Itoobiya oo eedaymo u jeediyey maamullada deegaannada dalka
Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya ayaa eedaymo culus u jeediyey maamullada deegaannada dalka oo uu sheegay, in ay ku fashilmeen inay maareeyaan dhibaatooyinka yaryar ee ka dhaca qabaleeyada iyo degmooyinka gobollada.
Wasiirka gaashaandhigga Dr. Abraham Belay oo maanta hortegay guddida joogtada ah ee baarlamaanka Itoobiya, ayaa waxa uu sheegay in ciidamada milaterigu ay daboolayaan fashilka maamullada deegaannada oo ay ka shaqaynayaan inay xalliyaan is-qabsiyada ka dhaca tuulooyinka dalka, halkii ay ka ahayd in maamullada deegaannadu ay arrintaas xalliyaan.
Dr. Abraham Belay waxa kale oo uu xusay in ay caqabad ka haysato dhaqdhaqaaqyada iyo shaqaaqooyinka meelo kala duwan ka dhacaya oo uu xalkoodu fududaan lahaa haddii ay deegaannadu xalkooda raadinayaan.