Wararka Ethiopia

  Ethiopia ayaa tiri Waa in si degdeg ah loo xalliyo arrinta badda inta aanay dhibaato dhicin



Ra'iisal wasaaraha Itoobiya ayaa damage kale maanta ka hadlay arrinta muranka dhalisay ee doonista dalkiisa ee ah inuu yeesho terrible uu iska leeyahay, si ay meesha uga saaraan kirooyinka iyo kharashaadka ay ku bixiyaan dakadaha ay wax kala soo degaan.

Abiy Ahmed oo maanta ka hadlayay baarlamaanka dalkiisa, ayaa waxa uu si kale u dhigay hadal xurguf dhaliyey oo 13kii October uu u jeediyey fadhi wada-jir ahaa oo uu baarlamaanka dalkiisu yeeshay.

Arrinta baddu waxay salka ku haysaa siyaasadda Juquraafi ee Bariga Afrika, koboca dhaqaalaha Itoobiya iyo tirada dadkeeda, adduunyaduna waa in ay arrintan si taxadarleh u eegto. Ayuu yidhi Abiy Ahmed.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu ku daray: Iyadoo la eegayo xaaladda dalkan, waxa aan rumaysanahay in ay qasab tahay in arrinta badda si degdeg ah loo xalliyo, ka hor inta aanay dhibaato dhicin.






Post a Comment

Previous Post Next Post