Wararka Ethiopia

 WAR DEG-DEG: Abiy Ahmed Oo Eryey Wasiir Eedaymo U Jeediyey


 Ra'iisal wasaaraha Itoobiya ayaa shaqada ka caydhiyey wasiiru-dawlaha nabadda oo maalmihii ugu dambeeyey eedaymo u jeedinayay maamulka Abiy Ahmed ee uu ka tirsan yahay.




Taye Dendea Aredo ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa uu warbaahinta maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahba siinayay waraysiyo uu ku durayo qaabka uu Ra'iisal wasaare Abiy Ahmed u maaraynayo xiisadaha iyo colaadaha ka oogan waddanka, gaar ahaan dagaallada ka socda deegaanka Amxaarada iyo Oromada.

War-saxaafadeed goordhoweyd lasoo saaray ayaa uu Ra'iisal wasaare Abiy Ahmed xilka kaga qaaday wasiir Taye Dendea Aredo.

Wasiiru-dawlaha oo ka jawaabay xilka-qaadista ayaa ku eedeeyey Ra'iisal wasaare Abiy Ahmed in sababta xilka looga qaaday ay tahay runta uu sheegay

Post a Comment

Previous Post Next Post