Wararka Ethiopia

 Qaramada Midoobay Oo Dalbatay 9.8 Bilyan Oo Lagu Quudiyo Dadka Ku Gaajaysan Itoobiya



 Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan cuntada ee WFP, ayaa dalbatay qaadhaan degdeg ah oo ay adduunyadu ugu yabohdo, si gurmad loogu fidiyo malaayiin qof oo ku gaajoonaya waddanka Itoobiya.

WFp oo go'aansatay inay dib u bilowdo gargaarkii cuntada ee ay Itoobiya siin jirtay kaddib hakad la geliyey in muddo ah, ayaa waxa ay sheegtay inay u baahan tahay lacag dhan 9.8 bilyan oo lacagta Itoobiya ee Birr-ta ah.

Deegaannada Tigrayga iyo Amxaarada ayaa la sheegay in dadka ugu badan ee gargaarka u baahan ay ku nool yihiin.


Post a Comment

Previous Post Next Post